Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Deegaanada Galmudug oo ka taagan xaalad amni darro

DHAGEYSO:Deegaanada Galmudug oo ka taagan xaalad amni darro

Dabayaaqadii sanadkii tegay ee 2020-ka ilaa bilowga sanadkan deegaanada Galmudug waxa ku soo kordhay xaalado amni darro oo aad u culus kaddib markii ay soo bateen weerarrada ka imaanaya dhanka ururka Al-Shabaab oo gaaray heer la dilo hoggaankii ciidanka qaybta 21aad, dhaqdhaqaaqa dagaalyahanada ururka ee deegaano hoos yimaada caasimafda maamulkana ay noqdeen kuwo joogta ah.
Culeeyska amni darro ee ka imaanaya Al-shabaab waxa wehliya colaado af la qabto aan lahayn oo dhex maraya beelo isku haya daaqsin xoolo iyo dilal aanooyin qabiil ku qotooma.
Guddiga amniga baarlaamnka Galmudug ayaa sheegay in wasaaradda amniga maamulkaasi ay gudan weysay waajibaadkii loo igmaday.
Guddoomiyaha guddigan xildhibaan Xasan Xirsi Afyare oo u warramay idaacadda Star Fm ayaa wacad ku maray in ay la xisaabtami doonaan wasaaradda amniga Galmudug ee uu wasiirka ka yahay Axmad Macalin Fiqi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments