Home Caalamka Dalka Masar oo ay ka dhacaysa doorashada madaxweynenimo
- Shacabka dalka Masar ayaa maanta ka qayb qaadanaya doorasho ay ugu codeynayaan madaxweyne cusub .
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ay xaalad baniaadannimo ka taagan tahay Qaza oo halkaasi daris la ah iyo culeysyo dhaqaale oo uu wadankaasi wajahaya.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in madaxweynaha hadda xilka haya ee Masar, Cabdel Fattax el-Sisi ay suurtagal tahay inuu hoggaanka ku guulaysto markii saddexaad.
Goobaha codbixinta ayaa furmay abaare 9-kii subaxnimo waxayna codeyntu socon doontaa ilaa Talaadada.
Dadweynaha ayaa codkooda dhiiban doono saddex cishe inta u dhexeysa 9-ka subaxnimo ilaa 9-ka fiidnimo.
Natiijada rasmiga ee xilka madaxweynenimo ayaa la filayaa in la shaaciyo 18-ka bishan 12-aad.
Waxaa inay codkooda dhiibtaan u qalma 67 milyan oo qof .
Doorashooyinkii hore waxaa u soo baxayay dad ay tiradoodu ka hooseyso inta isku diiwaangelisay codeynta.
Qiyaastii saddex meelood labo meel tirada shacabka ku nool Masar oo ah in ka badan 109.3 milyan oo qof ayaa ku jiro nolol saboolnimo.