Golaha kaniisadaha dalka oo ka soo horjeestay xilalka xoghayeyaasha maamulka sare ee CAS

0
187

Golaha ay ku mideysan yihiin kaniisadaha dalka ee NCCK ayaa ka soo horjeestay magacaabidda xoghayeyaasha maamulka sare ee wasaaradaha dowladda dhexe ee loo yaqaano CAS.
Tani ayaa timid ka dib markii la guda galay isku day xilalkan lagu dabaqayo dastuurka dalka.
Xoghayaha guud ee golaha NCCK Chris Kinyanjui, ayaa sheegay in tallaabadan ay shacabka canshuur bixiyaasha ah ku keenaysa culeys dheeraad ah.
Waxaa uu sheegay in hadda aan la joogin xilli iskudaygan la sameeyo maadaama uu hooseeyo dhaqaalaha wadanka.