Safiirrada dhawaan la magacaabay oo loogu baaqay inaynan ku tagriifalin kheyraadka dadweynaha

0
210

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa safiirrada dhawaan la magacaabay kula dardaarmay inay xoogga saaraan ka shaqeynta danaha kenyaanka iyo wanaajinta xiriirka Kenya kala dhexeeya waddamada ay ku matalayaan.
Waxaa uu madaxweyne William Ruto xusay in danjireyaasha laga doonayo inay muwaadiniinta ku nool qurbaha u raadiyaan fursado cusub oo ganacsi .
Sidoo kale waxaa mas’uuliyiintan looga fadhiyaa inay caalamka u bandhigaan in Kenya ay tahay dal loogu soo hirto maalgashiga.
Hoggaamiyaha wadanka ayaa tilmaamay in safiirrada looga baahan yahay inay si dhow ula socdaan xaaladaha shacabkooda ku nool waddamada ay ka howlgeli doonaan.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu shalay xarunta madaxtooyada dalka ee State House ee magaalada Nairobi uu kula kulmay 41 qof oo isugu jiro safiirro dhawaan la soo magacaabay iyo ku xigeenadooda.
Ruto ayaa sheegay in la joogo xilligii laga gudbi lahaa is eedeynta sidaasi awgeedna danjireyaasha ay u bannaan tahay inay qaataan go’aamo adag marka loo baahdo haddii taasi ay ku saleysan tahay niyad wanaag.
Sidoo kale waxaa uu kula taliyay inaynan ku tagriifalin kheyraadka dadweynaha.
Madaxweyne William Ruto ayaa sheegay in dowladdu ay safiirrada kula xisaabtami doonto sida ay u isticmaalaan miisaaniyadda la siiyo.
Waxaa uu ku boorriyay inay kenyaanka si siman ugu adeegaan iyadoo aan la tixgelinayn dano siyaasadeed , bulsho ama diin.
Waxaa uu u sheegay inuu u magacaabay matalaadda Kenya sidaasi awgeedna uunan rajeynayn inay dano khaas ah ka shaqeeyaan.
Safiirrada ayaa tababar ku soo qaatay akadeemiyada adeegga dibadda ee hoos tago waaxda arrimaha dibadda ka dib markii uu turxaan bixiyay oo uu magacaabidooda ansixiyay baarlamaanka.
Madasha uu madaxweynaha dalka kula kulmay safiirrada Kenya ku matali doono waddamada kale ee caalamka waxaa goobjoog u ahaa xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha dibadda Korir Sing’oei, Agaasimaha guud ee akadeemiyada adeegga dibadda Kirimi Kaberia iyo mas’uuliyiin kale.