Madaxweynaha dalka oo maanta guddoomin doono munaasabad ay ku qalin jabinayaan saraakiisha NYS

0
168

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maanta guddoomin doono xaflad ka dhacaysa magaalada Gilgil ee ismaamulka Nakuru oo ay ku qalin jabinayaan saraakiil ku biiraya adeegga qaran ee dhallinyarada ee NYS.
Waxaa halkaasi ku qalin jabin doono dhallinyaro gaaraya 10,905 oo uu tababar u soo idlaaday.
Waxay isugu jiraan 7,066 wiilal ah iyo 3,839 gabdhood.
Shakhsiyaadkan oo ka soo jeedo dhammaan deegaannada wadanka ayaa la diiwaangeliyay bishii Shanaad ee sanadkan waxayna tababarro qaadanayeen muddo 6 bilood ah.
Adeegga qaran ee dhallinyarada ee NYS ayaa lagu soo dhisay xeerka NYS Act ee sanadkii 2018-kii wuxuuna ka shaqeeyaa sidii da’ayarta looga dhisi lahaa dhanka xirfadaha , wanaajinta habdhaqankooda iyo awoodsiintooda si ay uga qayb qaataan horumarka wadanka.