Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Guddiga PSC oo diiday in awoodaha loo kordhiyo xeer ilaaliyaha qaranka

Guddiga PSC oo diiday in awoodaha loo kordhiyo xeer ilaaliyaha qaranka

Guddiga adeegga dadweynaha ee PSC ayaa ka soo horjeestay soo jeedin ah in isbeddel lagu sameeyo xeerka u degsan xafiiska xeer ilaaliyaha qaranka ee la soo saaray 2021-kii.
Soo jeedinta ayaa ah mid lagu doonaya in awoodo dheeraad oo dastuuri uu yeesho xeer ilaaliyaha guud ee dalka.
Hasa ahaate guddoomiyaha guddiga PSC Anthony Muchiri oo ka soo hormuuqday guddiga arrimaha cadaaladda iyo sharciga ee baarlamaanka ee (JLAC) ayaa waxyaabaha lagu taliyay ku tilmaamay kuwo sharci darro ah.
Hindise sharciyeedka ay PSC ka soo hor jeesatay ayaa waxaa ku xusan in xeer ilaaliyaha qaranka uu lahaanaya awoodo uu ku shaqaaleysiiyo saraakiisha ka howlgalaya xafiiskiisa sidoo kalena inuu shaqada ka eryi karo, inuu soo magacaabi karo ku xigeenka qareenka guud ee dowladda,garyaqaannada dowladda matali karo iyo inuu go’aamin karo shuruudaha ay saraakiishan ku shaqeynayaan ka dib marka uu kala tashado guddiga mushaaraadka iyo gunnooyinka ee SRC.
Hasa ahaate Muchiri ayaa sheegay in shaqaaleysiinta saraakiisha xafiisyada dowladda ay tahay arrin u taallo guddiga PSC oo ka mid ah waajibaadkiisa dastuuriga ah.
Muchiri ayaa xusay in cutubka 15-aad ee dastuurka dalka uunan xeer ilaaliyaha guud ku darin liiska xafiisyada madaxa bannaan sidaasi awgeedna uu hoos tago golaha fulinta ee dowladda .
Guddoomiyaha guddiga baarlamaanka ee arrimaha cadaaladda iyo sharciga (JLAC) George Murugara ayaa sheegay inay eegi doonaan soo jeedinnada loo gudbiyay ee la xiriira qorshahan ka hor inta uunan warbixintiisa u bandhigin baarlamaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments