Kobaca dhaqaalaha Soomaaliya oo hoos u dhacay boqolkiiba 0.8 ee sanadkan

0
273

Bangiga Adduunka ayaa sheegay in kobaca dhaqaalaha ee dalka Soomaaliya uu ku yimid hoos u dhaca dhan boqolkiiba 0.8, sida lagu ogaaday dib u eegis lagu sameeyay kobaca dhaqaalaha ee wadankaasi ee sanadkan 2023.
Warbixinta ka soo baxday Bangiga adduunka ayaa lagu sheegay, in sanadkan kobaca dhaqaalaha ee Soomaaliya uu marayo ilaa 2.8 boqolkiiba, halka sanadkii hore uu ahaa boqolkiiba 3.6.
Bankiga ayaa cadadkiisii ugu dambeeyay ee dhaqaalaha Soomaaliya ku sheegay, in dalku weli u nugul yahay ku tiirsanaanta xad dhaafka ah ee ganacsiga iyo maalgelinta dibadda, kala duwanaanshaha dhaqaalaha oo xaddidan, iyo u nuglaanshaha masiibooyinka dabiiciga ah.
Xaaladaha la xiriira abaaraha, daadadka, cayayaanka Ayaxa, qiimaha badeecadaha caalamiga ah oo sarreeya iyo sidoo kale kor u kaca nabadgelyo-darrada iyo colaadaha, ayaa sabab u ah hoos u dhaca kobaca dhaqaalaha ee dalka Soomaaliya, sida uu bangigu sheegay.
Balse, Bangiga adduunka ayaa sheegay in hoos u dhacaan uusan saamaynaynin, ballanqaadkii ahaa in dowladda Soomaaliya ay sii wado dib-u-habeynta si loo xoojiyo hay’adaha dhaqaalaha ee muhiimka ah iyo kor u qaadista xasilloonida iyo soo kabashada dhaqaalaha dalka.
Bankigu ayaa qiray horumarka joogtada ah ee Soomaaliya ee ku aaddan buuxinta shuruudaha lagu gaarayo dhibcaha dhameystirka dayn cafinta oo la filayo in go’aan laga gaaro bishan.