Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo go’aan ka gaartay wiil la isku haystay maalmahan

0
615

Cumar Cali Axmad oo dhawaan sheekadiisu qabsatay baraha bulshada ku xariirto ka dib markii ay isku qabsadeen laba reer ayaa maanta maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ay go’aan ka gaartay kiiskiisa.
Waxaa uu Cumar ka mid ahaa dhallinyaro ku dhaawacantay qarax ka dhacay xerada Nacnaca ee caasimadda Muqdisho xilli loo qorayay ku biirista ciidanka qaranka.
Is-qabqabsi ka dib, baaris ay sameeyeen ciidamada sirdoonka ee CID-da iyo maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa wiilkaan si rasmi ah ugu wareejisay reerka wiilkaan oo la caddeeyay inay dhaleen Reer Cali Axmad.
Maxkamadda Ciidamada ayaa caddeysay in wiilkaan dhibbanaha u ah qarax kooxda Al-Shabaab u gaysatay isaga iyo saaxiibadiis sanadkii 2022-kii uu yahay Cumar Cali Axmad sidaas ayaa loogu wareejiyey reerkiisa.
Go’aanka maxkamadda ayaa yimid ka dib in ka badan 3 todobaad oo la sugayay natiijada baaristii dheecaanka dhiigga hidda sidaha ee (DNA).