Ciidanka nabad sugidda ee Bariga Afrika oo billaabay inuu ka baxo DRC

0
275

Ciidamada matalaya dalalka Bariga Afrika ee howlaha nabad sugidda u joogo jamhuuriyadda dimuqraadiga Congo ee DRC ayaa billaabay inay halkaasi is kaga baxaan.
Tani ayaa timid ka dib markii ay xukuumadda Kinshasa diiday inay cusbooneysiiso qorshihii saraakiishan lagu howlgeliyay.
Madaxweynaha Congo ,Felix Tshisekedi ayaa ciidamada ku eedeyay inay wadajiraan iyaga iyo fallaagada loo xil saaray inay la dagaallamaan oo aynan ku qasbayn inay hubka dhigaan.
Ka dib shir qabsoomay 25-kii bishii hore ayay jaaliyadda bariga Afrika ee EAC shaacisay in dowladda DRC aynan muddada u kordhin doonin ciidamada nabad sugidda ee halkaasi ku sugan wixii ka dambeeya 8-da bishan Diseembar.