Haweeney 70 sano jir ah oo mataano ku umushay dalka Uganda

0
352

Haweeney da’deeda lagu sheegay 70 sano jir ah ayaa mataano ku umushay dalka Uganda ka dib markii lagu beeray ilmo, sida laga soo xigtay xarun caafimaad oo ku taalla wadankaasi.
Haweenaydan oo lagu magacaabo Safina Namukwaya ayaa wiil iyo gabadh ku umushay xarunta dhallaanka ee caasimadda Kampala ee dalka Uganda.
Haweeneydan oo ka mid ah dadka da’ada ah ee dhalay, ayaa warbaahinta maxalliga u sheegtay in tani ay ‘mucjiso’ tahay.
Waxay sheegtay inay dooneysay inay ilmo dhasho, ka dib markii sida ay sheegtay lagu cayn jiray ‘madhasho’.
Wararka ayaa intaasi ku daraya inay qaliin ku dhashay mataanaha.
Waa markii labaad muddo saddex sano ah oo ay umusho, iyadoo sanadkii 2020-kii ay dhashay gabadh.
Sanadka 2019-kii, ayay ahayd markii haweeney 73 jir ah oo u dhalatay dalka India ay umushay mataano.