120,000 oo maro kaneeco ah oo loo qaybinaya ismaamullada ay daadadka saameeyeen

0
271

Dowladda dhexe ayaa shaacisay in la soo iibiyay maro kaneeco dhan 120,000 oo loo qaybinaya ismaamullada ay saameynta ka soo gaartay daadadka.
Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallada looga hor tagaya xanuunka duumada ama malaariyada.
Waxaa arrinkan shir jaraaid ka sheegay xoghayaha joogtada ah ee waaxda deegaannada oomanaha ee loo yaqaano ASALs Kello Harsama.
Ismaamullada laga billaabo maanta laga qaybinaya maro kaneecada ayaa waxaa ka mid ah Garissa, Kwale, Mandera, Wajeer, Tana River ,Marsabit iyo Lamu.
Harsama ayaa intaasi ku daray in joodariyaal , bustooyin iyo agabyada kale ee muhiimka ah la gaarsiin doono dadka fatahaadda ku barakacay.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ilaa iyo hadda kiisaska shuban biyoodka oo gaaraya 391 laga soo tabiyay ismaamullada Garissa, Kwale, Mandera iyo Wajeer.
Sidoo kale 94 oo ah kiisaska daacuunka ayaa laga soo tabiyay ismaamulka Lamu.
Afhayeenka dowladda dhexe , Issac Mwaura ayaa sheegay in dowladdu ay bixinaysa lacag gaareysa 625.8 milyan oo shilin.
Waxaa dhaqaalahan ka faa’iidaysanaya 500,000 oo qof oo ku nool 8 ka mid ah ismaamullada wadanka ee ay daadadku saameeyeen.
Issac Mwaura ayaa sheegay in lacagtan si caddaan ama kaash ah looga bixin doono ismaamullada Turkana, Mandera, Marsabit, Wajeer, Samburu, Tana River, Isiolo iyo Garissa.
Dhanka kale waxay daadadka ilaa iyo hadda saameeyeen qoysas gaaraya 93,432 halka dadka ku dhintay ay yihiin 120.