Diyaarad uu leeyahay militariga Maraykanka oo ku burburtay Japan

0
174

Mid ka mid ah diyaaradaha militariga Maraykanka ayaa ku burburtay xeebta Koonfureed ee dalka Japan.
Waxaa arrinkan maanta xaqiijiyay ciidamada ilaalada badaha ee Japan.
Saraakiisha ayaa sheegay in diyaaraddu ay sidday 10 qof oo shaqaale ah.
Waxay intaasi ku dareen in ay qaylo-dhaan uga timid howlwadeennada doon kalluumeysi oo u dhawaa halka ay diyaaraddu ku dhacday oo ah dhanka jasiiradda Yakushima, oo Koonfur uga beegan jasiiradda Kyushu.
Madaxa wasiirrada Japan Hirokazu Matsuno ayaa sheegay in diyaaradu ay raadaarka ka baxday ka hor inta aan burburkeeda la helin.
Afhayeen u hadlay ciidamada Maraykanka oo gobolkaasi ku sugan ayaa sheegay inay weli uruurinayaan xogta la xiriirta shilkan diyaaradeed.