Shacabka dalka Falastiin ayaa rajeynaya in la sii kordhiyo muddada uu shaqeynaya heshiiskii ay gaareen Israa’iil iyo ururka Xamaas.
Is-afgaradkan oo horay ahaa afar cishe ayaa Isniintii lagu kordhiyay labo maalmood oo dheeraad ah.
Dhanka kale waxaa lagu soo warramayaa in xabsiyada Israa’iil laga siidaayay 30 qof oo Falastiiniyiin ah oo isugu jiro haween iyo carruur.
Xamaas ayaa dhankeeda siidaysay 10 u dhashay Israa’iil iyo labo ajaaniib oo kale.
In ka badan 15,000 oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay duqeymaha Israa’iil ee Qaza tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkan.