Waxaa lagu soo warramayaa in hal qof la dilay iyadoo sagaal guri la gubay ka dib weerar xalay laga gaystay Galbeedka ismaamulka Lamu .
Weerarkan ayaa looga shakiyay inay gaysteen xubno ka tirsan Al-Shabaab.
Bishii hore ayay ahayd markii ay wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran ay soo saartay liiska magacyada 35 qof oo lagu tuhmayo inay ka mid yihiin kooxaha argagixisada ee dhibaatooyinka ku haya shacabka Lamu iyo aagga Keynta Boni.
Goobjoogayaal u warramay warbaahinta dowladda ee KBC ayaa sheegay in dadkii xalay weerarka fuliyay ay aad u hubeysnaayeen.
Ilaa iyo hadda ma jirto cid falalkan loo soo xiray in kastoo booliiska ay sheegayaan inay baaritaano guda galeen.