Doon kalluumaysi oo dalka Iiraan laga leeyahay, taas oo mas’uul ay ka ahayeen ganacsato Soomaali ah ayaa toddobaadkan laga afduubtay xeebaha degmada Eyl ee gobolka Nugaal.
Doontan oo ay afduubteen kooxo hubeysan ayaa waxaa saarnaa shaqaale u dhashay wadanka Iiraan iyo nin Soomaali ah oo waardiye ka ahaa.
Bashiir Siciid Cismaan oo ka mid ah wakiillada doonidaasi ayaa sheegay in ay la xiriireen kooxda afduubatay, ka dibna ay weydiisteen dhaqaale dhan afar boqol oo kun doolar, si ay u siidaayaan doonta iyo shaqalaha saaran.
Taliyaha booliiska Puntland ayaa sheegay in dhacdadan lagu soo wargeliyay islamarkaana ay billaabeen badigoob ku aadan si doontaasi dib loogu soo celi lahaa ganacsatadii lahayd.