Madaxweyne Deni oo baarlamaanka Puntland Hortagaya

0
406

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaaliyeed Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa lagu wadaa inuu Maamlinta Sabtida ah ee soo aadan uu hortago Golaha Wakiilada Maamulkaasi
Guddoonka Golaha Wakiilada Puntland ayaa qoraal uu u diray Xildhibaannada ku wargeliyay in sabtida ay u diyaar garoobaan Kulanka uu Golaha yeelanayao, isla markaana uu hor-imaanayo Madaxweynaha Deni.
Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland ayaa sheegay in Madaxweyne Deni uu golaha uga warbixinayo ismarin-waaga ka taagan doorashada Soomaaliya iyo mowqifka ay qaadan karto Puntland.
Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa la filayaa in Maalmaha soo socda uu latashiyo la sameeyo siyaasiyiinta iyo qeybo kale oo kamid ah bulshada, intaas kadibna Puntland soo saarto mowqifkeeda arrimaha ka taagan doorashada Soomaaliya.