Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Hub la soo helay ka dib xoolo laga dhacay inta u dhexeysa...

Hub la soo helay ka dib xoolo laga dhacay inta u dhexeysa Isiolo iyo Marsabit

Ciidamada ammaanka ayaa shaaciyay inay heleen labo qori halka dib loo soo celiyay ilaa toddobo neef oo lo’o ah oo laga dhacay inta u dhexeysa ismaamullada Isiolo iyo Marsabit.
Tani ayaa timid ka dib howlgal ballaaran oo ka dhan ah burcadda oo ay saraakiisha ammaanka ka fuliyeen aagga loo yaqaano Malgis .
Weerarka xoolaha lagu dhacay ayaa la soo tabiyay 11 cishe ka hor.
Taliyaha booliiska ee ismaamulka Marsabit Patrick Mwakio ayaa intaasi ku daray in ciidamada ay sidoo kale dib u soo heleen 12 neef oo dheeraad ah tani oo tirada guud ee xoolaha loo soo celiyay dadkii laga dhacay ka dhigaysa 19.
Burcadda ayaa horay u kaxeysatay 25 neef oo lo’o ah.
Mwakio ayaa wakaaladda wararka ee dalka ee KNA u sheegay in hubka la soo helay uu yahay nooca G3.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments