Xukuumadda Moscow ayaa shaacisay in madaxweynaha dalkaasi Ruushka Vladimir Putin uu ka qayb geli doono shir looga arrinsanaya xaaladda ka taagan Qaza.
Kulanka oo maanta qabsoomaya ayaa lagu tilmaamay mid aan caadi ahayn oo ay yeelanayaan dalalka ku mideysan dalladda loo yaqaano BRICS .
Waxaa dalladdan xubno ka ah waddamada Brazil, India, Shiinaha iyo Koonfur Afrika.