Hoggaamiyaasha siyaasadeed ee ismaamulka Wajeer oo uu hor kacaya barasaabka dowlad deegaankaasi Axmad Cabdullahi ayaa dowladda dhexe ugu baaqay inay ku dhawaaqdo in daadadka ay saameynta ka dhalatay ay yihiin musiibo qaran.
Waxay madaxdan doonayaan in dowladda sare ay soo saarto lacagaha lagula tacaalo xaaladaha degdegga ah.
Xaaladda taagan ayay ku tilmaameen mid aad u daran.
Waxay sheegeen in fatahaadaha Wajeer ay ku dhinteen ugu yaraan afar ruux halka kumanaan kale ay guriyahooda ka barakaceen.
Barasaabka Wajeer Axmad Cabdullahi ayaa sheegay in haddii aan la helin dhaqaale degdeg ah in xaaladdu ay faraha ka bixi karto.
Sidoo kale waxay rabaan in la qaado tallaabooyin lagu soo daadgureynaya dadka ay kala xannibeen daadadka si looga hor tago inay ku dhex faafaan cudurrada .
Guddoomiyaha Wajeer ayaa sheegay in waddooyinka gala Wajeer ay xiran yihiin oo tan iyo toddobaadkii hore ilaa 57 taan oo daawooyin ah ay waddada ku xayiran tahay.
Waxaa uu intaasi ku daray in lagu jiro xaalad xita dadka wax haysta aynan magaalooyinka wax ka soo iibsan karin maadaama uu hakad galay isku socodka.
Xildhibaanka deegaanka Ceeldaas ee ismaamulka Wajeer Aadan Keynan Weheliye ayaa dhankiisa ku baaqay in diyaaradaha ciidamada hawada ee dalka gargaar cunno iyo daawooyin loogu geeyo qoysaska gurmadka u baahan.
Keynaan ayaa dowladda sare ka codsaday inay kabto dadaallada dowladaha ismaamullada Garissa, Wajeer iyo Mandera.