Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Dowladda ismaamulka Lamu oo amar ku bixisay in la xiro goobaha lagu...

DHAGEYSO:Dowladda ismaamulka Lamu oo amar ku bixisay in la xiro goobaha lagu iibiyo cunnooyinka

Dowladda ismaamulka Lamu ayaa amar ku bixisay in la xiro goobaha lagu iibiyo cuntada ee ku yaalla hareeraha waddooyinka ka dib markii la soo tabiyay in cudurka daacuunka uu halkaasi ka dillaacay.
Xanuunkan oo ka mid ah cudurrada biyaha ku faafa ayaa la rumeysan yahay inuu ka dhashay biyaha daadadka halkaasi ku dhuftay.
Ganacstada cunnooyinka ku iibiya agagaarka waddooyinka Lamu ayaa si weyn uga soo horjeestay amarka ka soo baxay dowladda hoose ee ismaamulkaasi.
Waxay ku baaqeen in la qaado tallaabooyin kale oo looga hor tagaya faafidda cudurka sida in la xoojiyo nadaafadda balse in aan laga xirin goobaha ay qoysaskooda uga soo saaraan qutul maalmeedka.
Mid ka mid ah shacabka ayaa dhankiisa sheegay in mudnaanta koowaad la siiyo badqabka dadweynaha isagoo waaxda caafimaadka ee ismaamulka Lamu ku taageeray amarka ay bixisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments