Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Faahfaahin ku saabsan xaaladda magaalada Garoowe iyo dadaalo nabadeed oo socda

Faahfaahin ku saabsan xaaladda magaalada Garoowe iyo dadaalo nabadeed oo socda

Waxaa socda dadaalo loogu jiro sidii looga hortagi lahaa colaad ka dhacda magaalada Garoowe, xilli magaaladaasi ay dad badani ka qaxeen xalay ilaa iyo shalay.
Waxaa magaalada ku soo wajahan salaadiinta dhaqanka SSC- Khaatumo, kuwaas oo u imaanaya sidii uga qayb qaadan lahaayeen dadaalada nabadda.
Madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo mucaaradka hubaysan ayaa kala taagan mowqif adag, taasoo haddii aan xal loo helin keeni karta in gacan ka hadal xaaladdu isku beddesho.
Dhanka kale, saaka waxaa baaqday kal-fadhiggii baarlamaanka Puntland ee lagu waday in looga doodo xeer doorashooyinka ee wax la beddelay.
Qoraal ka soo baxay guddoonka baarlamaanka, ayaa lagu wargeliyay xildhibaanada, in saddex berri dib loo dhigay fadhigga baarlamaanka.
Waxaana loo baajiyay sababo la xiriira colaadda magaalada Garoowe ka jirta.
Waxaa xusid mudan in aysan jirin ciidamo haatan is horfahdhiya, marka laga reebo ciidamada taabacsan mucaaradka oo kasoo baxay saldhigyadoodi, kuwaas oo soo degay qaybo ka mid ah xaafadaha magaalada Garoowe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments