Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya 2 ka mid ah saraakiisha KRA oo uu daad qaaday oo meydadkooda...

2 ka mid ah saraakiisha KRA oo uu daad qaaday oo meydadkooda la helay

Maamulka canshuuraha dalka ee KRA ayaa xaqiijiyay in ugu dambeyn la helay meydadka labo ka mid ah saraakiishiisa oo la raadinayay ka dib markii baabuur siday ay qaadeen biyaha daadadka saameeyay ismaamulka Kwale.
Galinkii hore ee Jimcada ayay ahayd markii baabuurka ay saarnaayeen saraakiishan oo ka yimid deegaanka Lunga-Lunga ee ismaamulka Kwale kuna wajahnaa Mombasa ay biyaha la tageen xilli uu marayay buundada webiga Ramisi oo ay biyuhu aad ugu badnaayeen. Waxaa sidatan xilligaasi warbaahinta u sheegay Lawrence Siele oo ka mid ah isku duwayaasha maamulka canshuuraha ee KRA.
Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Dr. Raymond Omollo ayaa magacyada labada sarkaal ee geeriyooday ku kala sheegay Joram Maina oo ahaa guddoomiyaha guddiga maareynta xuduudda ee deegaanka Lungalunga iyo David Ng’ang’a.
Baabuurkii siday labadan qof oo la helay ayaa la geeyay saldhigga booliiska ee Msambweni.
Hasa ahaate, guddoomiyaha isgaarsiinta iyo xiriirka bulshada ee KRA Nancy Ng’etich ayaa bayaan ay dhawaan soo saartay ku sheegtay inay murugada la qaybsanayaan qoysaska, ehellada iyo asxaabta ay ka baxeen labada mas’uul.
Maamulkan ayaa dhanka kale u mahadceliyay guddi iskudhaf ah iyo bulshada deegaanka oo gacan ka gaystay howlgallada lagu raadinayay shakhsiyaadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments