Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Moses Wetangula ayaa soo jeediyay in wadayaasha baabuurta ay maraan baaritaano dhanka maskaxda ah maadaama ay suurtagal tahay sida uu hadalka u dhigay in darawal wajahaya culeys maskaxeed uu shil sababo.
Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo waddooyinka ee dalka Kipchumba Murkomen ayaa dhankiisa kenyaanka ku boorriyay inay mas’uuliyad shakhsiyeed iska saaraan ka hor tagga shilalka.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in xaqiijinta badqabka shacabka aynan ahayn arrin ay mas’uuliyadeeda leeyihiin keliya saraakiisha taraafikada.
Sanadkii 2005-tii ayay ahayd markii qaramada midoobay ay 19-ka bisha 11-aad ee sanad kasta ay u asteysay maalin caalami oo la xusuusto dadkii ay dhibaatooyinka sida dhaawacyada ka soo gaareen shilalka.
Ujeedka laga leeyahay xuskan ayaa ah in aan la hilmaamin oo taageero loo muujiyo dhibbanayaasha shilalka iyo qoysaskooda.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo sanadkii hore ugu yaraan 4,690 qof ay shilal ugu dhinteen gudaha wadanka.