Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Dr. Raymond Omollo ayaa sheegay inay weli ismaamulka Kwale ka socdaan howlgallada samatabixinta ee lagu raadinaya labo ka mid ah saraakiisha maamulka canshuuraha ee KRA oo ay qaadeen biyaha daadadka halkaasi saameeyay.
Tani ayaa timid ka dib markii baabuur ay saarnaayeen ay biyaha la tageen xilli uu marayay buundada Ramisi ee deegaanka Lunga-Lunga.
Omollo ayaa magacyada labada sarkaal ee la raadinaya ku kala sheegay Joram Maina oo ah guddoomiyaha guddiga maareynta xuduudda ee deegaanka Lungalunga iyo David Ng’ang’a.
Waxaa uu sheegay in la helay baabuurkii siday labadan qof iyadoo gaariga la geeyay saldhigga booliiska ee Msambweni.
Xoghayaha ayaa intaasi ku daray in raadinta labada mas’uul ay iska kaashanayaan waaxyo kala duwan oo ay hor kacayaan saraakiisha waaxda ilaalada xeebaha .
Maamulka KRA ayaa dhankiisa bayaan ku sheegay inuu dadweynaha , shaqaalihiisa iyo qoyska labada sarkaal ee weli la la’yahay si joogto ah ula wadaagin doono xogaha soo kordha.