Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Tirada qoysaska ku barakacay fatahaadda Beledweyne oo la shaaciyay

Tirada qoysaska ku barakacay fatahaadda Beledweyne oo la shaaciyay

Maamulka gobolka Hiiraan ee Hirshabeelle ayaa shaaciyay in fatahaadda ku dhufatay xaafadaha magaalada Beledweyne billowgii toddobaadkan inay ku barakaceen 270 kun oo qoys.
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ugu magacaaban maamulka Hirshabeelle Cabdullaahi Axmad Maalin Sufuroow ayaa sheegay in dadka barakacay ay wajahayaan xaalado adag oo dhanka nolosha ah.
Waxaa uu ugu baaqay hay’adaha gargaarka iyo hay’adda SODMA inay gurmad degdeg ah la soo gaaraan dadka reer Beledweyne ee sida weyn u saameysay fatahaadda.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in maamulkiisa uu wado dadaaladii ugu dambeeyey ee la xiriira ka dabataga maareeynta masiibooyinka ka dhashay fatahaadaha sameeyay guud ahaan xaafadaha Beledweyne.
Waxaa la xaqiijiyay in fatahaadda ku dhufatay magaalada Beledweyne inay ku geeriyoodeen dad gaaraya ilaa 9 ruux.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments