Ciidamada militariga Israa’iil ayaa sheegaya inay la wareegeen dekadda Qaza.
Waxay bayaan ku sheegeen in howlgalkaasi lagu dilay ugu yaraan 10 ka mid ah ururka Xamaas.
Sidoo kale waxay xuseen inay burburiyeen 10 ka mid ah marinnada dhulka hoostiisa ee badeecooyinka laga soo geliyo ama looga saaro dekaddaasi.
Hasa ahaate warbaahinta caalamiga ee Aljazeera oo qortay warbixin ku aaddan arrinkan ayaa sheegtay in sheegashada militariga Israa’iil aan si madax bannaan loo xaqiijin.