Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Ku dhawaad 10 ruux oo ku geeriyootay fatahaadda ku dhufatay Beledweyne

Ku dhawaad 10 ruux oo ku geeriyootay fatahaadda ku dhufatay Beledweyne

Waxaa sii kordhaya tirada dadka ku geeriyooday fatahaadda webiga Shabeelle uu ka gaystay xaafadaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Ilaa 8 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen fatahaadda webiga Shabeelle ee magaalada Beladweyne 24-kii saac ee la soo dhaafay, sida ay warbaahinta u sheegeen maamulka degmada Beledweyne.
Maaamulka degmada Beledweyne ayaa sidoo kale sheegay in fatahaaddu ay sababtay khasaare hantiyadeed oo baaxad leh iyo barakacii ugu xooggana dhowrkii sano ee la soo dhaafay.
Duqa magaalada Beledweyne Nadar Tabaax ayaa sheegtay in hay’addaha samafalka ay ka gaabiyeen wax ka qabashada xaaladaha ka dhashay fatahaadda ee la soo daristay dadkii ku noolaa xaafadaha Beledweyne oo intooda badan u barakacay Ceel Jaalle.
Marwo Nadar ayaa sidoo kale dalbatay in gurmad degdeg ah lala soo gaara dadka reer Beledweyne ee sida weyn u saameysay fatahaadda.
Waxaa xusid mudan in xaafadaha Beledweyne ay wali ku dhex go’doonsan yihiin qoysas badan oo isugu tagay dhulalka taaga ah ee ku yaalla xaafadaha Beledweyne, iyadoo biyaha webiga ay sii xooggeysanayaan saacadba saacadda ka dambeysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments