Qof walxo qarxa isku soo xiray ayaa ku qarxay dibadda ilinka laga galo kulliyadda ciidamada ee Jaale Siyaad ee magaalada Muqdisho sida ay warbaahinta u sheegeen ilo dhinaca amniga ah.
Qofka xirnaa walxaha qarxa ayaa ku soo dhawaaday albaabka laga galo kulliyadda, balse askarta ilaallada ka ahayd ayaa u sheegay in uu joogsado, wuu ka dhaga adeegay, deetana waxay ku fureen rasaas, isagoo halkaa ku qarxay.
Ilo wareedyo ka tirsan ciidanka ayaa sidoo kale warbaahinta u sheegeen in kaliya qofka xirnaa walxaha qarxa uu goobta ku dhintay, islamarkaana aynan jirin cid kale oo dhibaato ka soo gaartay.
Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay qaraxa, balse qaraxyada noocan ah ee ka dhaca Soomaaliya ayaa waxaa fuliya rag ka tirsan kooxda Al-Shabaab.
24-kii bishii Toddobaad ee sanadkan ayay ahayd markii qof isku soo xiray walxo qarxa uu beegsaday askar saf ku jirtay gudaha Kulliyadda Jaale Siyaad, halkaas oo ay ku dhinteen tobannaan ka tirsan ciidanka milateriga Soomaaliya, kuwa kalena ay ku dhaawacmeen.