MD Farmaajo oo saxiixay sharciga laba sano muddo kordhinta loogu sameeyay dowladda Soomaaliya

0
386

Madaxweynaha uu wakhtiga ka dhammaaday ee dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamad Cabdullahi Farmaajo ayaa xalay saxiixay Sharciga Gaarka ah ee Jihaynta Doorashooyinka heer Federaal oo Baarlamaanka Soomaaliya uu dhawaan ansixiyeen.
Xeerkan ay Baarlamaanka anxiyeen ayaa waxaa si weyn uga soo horjestay musharixiinta mucaaradka, qaar kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo dowladaha taageerada siiya Soomaaliya qaarkood, kuwaasoo sheegay inay ka fiirsanayaan xiriirka ay la leeyihiin Soomaaliya.
Isniintii todobadkaan ayay ahayd markii ay Xildhibaannada Golaha Shacabka ansixiyeen Xeerka jiheynta doorashooyinka waxana soo dhaweeyay MD MaxamAd Cabdullaahi Farmaajo, isagoo uga digay Beesha Caalamka inay faragelin ku sameeyaan Arrimaha gudaha ee dalka Soomaaliya.
Xeerka ay ansixiyeen Golaha Shacabka ee uu Xalay saxiixay Farmaajo ayaa waxaa kujira qoddobo ay kamid yihiin in muddo laba sano gudahood ah ay guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka ku qabtaan doorasho qof iyo Cod ah oo shacabka Soomaaliyeed ay soo doortaan madaxda dalkooda Hoggaaminaysa.
Lama oga tallaabada ay qaadi doonaan dowladaha taageerada siiya Soomaaliya maadaama ay sheegeen inay kasoo horjeedaan muddo kordhin, wararka ayaana sheegaya inay qaarkood ku hanjabeen inay cunaqabateyn saari doonaan madaxda dowladda Soomaaliya.