Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamad Cabdullaahi Farmaajo ayaa Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Gobalka Banaadir Saadaq Cumar Maxa med (Saadaq Joon) ka xayuubiyay dhammaan darajadii ciidan, si waafaqsan sharciga ciidamada Qalabka sida.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Farmaajo oo si toos ah looga Akhriyay telefishinka Qaranka ayaa waxa lagu shaaciyay in Saadaq Joon laga xayuubiyay dhammaan darajadii ciidan ee uu heystay.
Sidoo kale Xeerka Madaxwaynaha ayaa waxaa looga xayuubiyay Saadaq Joon wixii xuquuq ah ee uu lahaa ka hor Darajo ka xayuubinta ee sharcigu tilmaamayay, isagoona lagu eedeyay Qaran dumis.
Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Joon ayaa waxaa shalay xilka qaadis ku sameeyay Taliyaha Ciidanka Booliska dowladd Jen Cabdi Xasan Maxamad Xijaar, waxaana xilkaas loo magacaabay Farxaan Qaroole.
Saadaq Cumar Maxamad Saadaq Joon ayaa shalay sheegay in marnaba uusan aqbali doonin in muddo kororsi ay sameeyaan Xildhibaanada Golaha Shacabka, islamarkaana warbaahinta ka sheegay inuu joojiyay kulankii ay yeesheen Golaha Shacabka.