Midowga Yurub ayaa kasoo horjeystay muddo kordhinta labada sano ee shalay Xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya u sameeyeen Hay’addaha dowladda ee wakhtiga ka dhammaaday iyo Madaxweye Farmaajo.
Midowga Yurub oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay in muddo kordhinta la sameeyay ay khatar weyn ku tahay nabadda, xasiloonida Soomaaliya iyo deriskeeda, iyagoona sharci darro ku tilmaamay.
Sidoo kale Midowga ayaa Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ugu baaqay inay si deg deg ah ugu laabtan wada hadallada ku saabsan qabsoomida doorashooyinka oo aan dib loo dhigin.
Waxaa ay sidoo kale Madaxda Soomaalida ka dalbadeen in wada-hadalka lagu saleeyo heshiiskii Satembar 17-kii ee sanadkii hore laga gaaray doorashada, hayeeshee la isku fahmi waayay fulinta heshiiskaa ay horey u gaareen Madaxda.
Wakiilka sare ee Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha dibadda iyo Amniga ayaa ku hanjabay in haddii wada-hadal dib loogu laaban waayo ay ka fiirsan doonaan tallaabooyin dheeri ah oo la taaban karo.
Home Wararka Soomaaliya Midowga Yurub oo diiday muddo kordhinta baarlamaanka Soomaaliya kuna hanjabay tilaabo dheeri...