Hay’adda isku xirka gagaarka Qaramada Midoobay ee OCHA ayaa shaacisay in lagu howlan yahay sidii loo daadgurayn lahaa ilaa 2,400 oo qof oo ku go’doonsan fatahaadda ka dhacday degmada Luuq ee gobolka Gedo ee Koonfurta dalka Soomaaliya.
Hay’adda OCHA oo ka jawaabaysay codsi uga yimid dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in doomo loo diray magaalada Luuq, si looga soo daadgureeyo dadka halkaas ku go’doosan.
Warbixin ay hay’addu soo saartay ayay ku sheegtay, in 1.17 milyan oo qof ay ilaa hadda saameeyeen roobabka ka da’ay dalka Soomaaliya.
Hay’adda ayaa sidoo kale sheegtay in ay 334,800 oo qof ay ka barakaceen guryahoodii, halka ay jiraan 28 dhimasho ah oo ay ku jiraan 8 carruur ah.
Shalay, hay’adda maaraynta musiibooyinka Soomaaliya ayaa shaacisay in ugu yaraan 29 qof ay ku geeriyoodeen daadadkii ugu xumaa oo ka dhashay roobabkii ka da’ay wadankaasi.