Waxaa lagu warramayaa in shacabka ku nool degmada Luuq ee gobolka Gedo ee Koonfurta dalka Soomaaliya ay gabi ahaanba ka barakaceen degmadaasi ka dib markii afarta gees ee magaalada uu ku fatahay Wabiga Jubba, ka dib roobabkii deyrta ee da’ay.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa baaq u diray dowladda Soomaaliya.
Waxaa baaq kan la mid ah diray guddoomiye ku xigeenka degmada Luuq.