Urur goboleedka IGAD oo qayb ka ah dardargelinta wada hadallada ka socdo magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee xal loogu raadinaya dagaallada Suudaan ayaa bayaan ku sheegay in dhinacyada wadankaasi isku haya ee SAF iyo RSF ay sheegeen inay ka go’an tahay sidii fursad loo siin lahaa gargaarka baniaadannimo.
IGAD ayaa wada hadalladan ku matalaysa Midowga Afrika waxayna kaashanaysa Sacuudiga iyo Maraykanka.
Militariga Suudaan ee SAF iyo saraakiisha sida militariga u tababaran ee RSF ayaa isku afgartay in la qaado tallaabooyin lagu xoojinaya kalsoonida oo loogu magacdaray (CBMs).
Waxyaabaha ay labada dhinac ilaa iyo hadda sheegeen inay diyaar u yihiin waxaa ka mid ah ka qayb galka madal baniaadannimo oo uu marti gelinaya xafiiska qaramada midoobay ee isku dubaridka arrimaha baniaadannimada ee OCHA.
Madashan ayaa la doonaya in meesha looga saaro caqabadaha ku hor gudban bixinta gargaarka iyo adeegyada kale ee baniaadannimo.
Sidoo kale waxaa la doonaya in wada hadallo rasmi ah loo furo hoggaamiyaasha militariga Suudaan iyo saraakiisha RSF.
Labada dhinac waxay sidoo kale muujiyeen inay diyaar u yihiin in garab waliba uu yareeyo adeegsiga waxyaabaha colaadda sii hurin karo.