Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Puntland oo shaacisay khasaaraha dhimasho uu gaystay roobkii cuslaa ee Gaalkacyo ka...

Puntland oo shaacisay khasaaraha dhimasho uu gaystay roobkii cuslaa ee Gaalkacyo ka da’ay

Maamulka gobolka Mudug ee Puntland ayaa xaqiijiyay inay saddex qof oo shacab ah ay ku geeriyoodeen roobkii cuslaa ee habeen hore ka da’ay magaalada Gaalkacyo.
Guddoomiyaha gobolka Mudug ayaa sheegay qiimeyn ay sameeyeen in ay ku ogaadeen in roobku uu gaystay khasaare ballaaran oo naf iyo maalba leh.
Waxaa uu intaasi ku daray in boqolaal qoys inay guryahooda ka barakaceen, kuwa kalena ay guryahooda ku go’doonsan yihiin weli.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay inay dhici karto in dhimashadu intaas ka sii badan karto, islamarkaana ay socdaan baaritaano lagu baadi goobayo dad lagu weli lagu la’ yahay meelihii ay daadadku ku soo rogmadeen.
Waxaa uu guddoomiyaha xusay inay magacaabeen guddi ka shaqayn doono sidii gurmad loogu fidin lahaa dadka waxyeelladu ka soo gaartay roobka ka da’ay magaalada Gaalkacyo.
Dhanka kale, kooxaha mucaaradka ayaa ku eedeyay maamulka Puntland in aanu u soo jeedin wax ka qabashada iyo u diyaargarowga waxyeellada ay sababayaan roobabka.
War-saxaafadeed ay soo saareen ayay ku sheegeen in madaxweyne Deni uu ku mashquulsan yahay muddo kororsi, halkii uu u gurmad lahaa musiibada ka dhacday magaalada Gaalkacyo oo ay roobabku sababeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments