Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya oo ka hadashay dhacdo lagu rasaaseeyay guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle

Wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya oo ka hadashay dhacdo lagu rasaaseeyay guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle

Wasaaradda gaashaandhigga ee dalka Soomaaliya ayaa sheegtay inuu billowday baaritaan ku saabsan sababtii ka dambeysay in guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabelle lagu rasaaseeyo garoonka diyaaradaha ee magaalada Jowhar.
Qoraal ka soo baxay wasaaradda gaashaandhigga ayaa lagu sheegay in falka lagu beegsaday guddoomiyaha baarlamaanka uu yahay mid nasiib darro ah oo lid ku ah hab dhaqanka ciidanka xooggga dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo lagu eedeyay inay ka dambeeyeen falkaasi.
Wasaaradda gaashaandhigga ayaa sheegtay marka baaritaanka la dhameeyo in si degdeg ah caddaaladda loo horkeeni doono askartiii falkaas ka dambeysay, si dambigooda loogu qaaado.
Dhanka kale, wasaaradda amniga gudaha Hirshabelle ayaa cambaareysay weerarka loo gaystay kolonyo galbinaysay guddooomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle, Luqmaan Xaaji Maxamuud, weerarkaas oo ay dhimasho iyo dhaawac ka soo gaareen ciidanka madaxtooyada Hirshabelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments