Wakiilka QM ee Soomaaliya, Catriona Laing, ayaa ugu baaqday madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha maamulka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, inay isku tanaasulaan.
Catriona Laing, ayaa si gaar ah madaxweyne Deni ugu baaqday inuu soo bandhigo soo jeedin wadahadal aan ku ekayn oo kaliya madaxweynaha, balse ka dhexeya dowladaha xubnaha ka ah dowladda federalka Soomaaliya.
“Waxaan wada hadalo la qaatay madaxweyne Deni, si aan ugu dhiirigeliyo isaga iyo dowladda federaalka inay helaan meel ay isugu tanaasulaan, maxaa yeelay lama dhamesytiri karo dastuurka dalka, haddii dhulkaasi Puntland uu maqan yaahay,” ayay tiri ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.
Waxay ku dhiirigelisay labada dhinac inay horay u socdaan iyada oo la fiirinayo danta Puntland iyo tan dowladda federalka.
Hadalka wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ayaa ku soo beegmay, iyadoo dowladda federaalka iyo Puntland uu xiriirkooda uu aad usii xumaaday.
Dowladda federaalka ayaa sheegtay in Puntland aysan ku khasbanayn inay qayb ka ahaayo hannaanka doorasho ee dalka, haddii aysan doonayn in ay qayb ka ahaato tahay heshiiska doorashooyinka ee golaha wadatashiga.