Ugu yaraan afar qof ayaa geeriyoodeen in ka badan 278,000 oo kalena wey saameeyeen roobab mahiigaan ah iyo fatahaado ay sameeyeen webiyada tan iyo markii ay billowdeen roobabka xilliga Deyrta, sida uu sheegay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Xiriirinta Arrimaha Bini’aadantinimada ee (OCHA).
Hay’adda ayaa warbixinteedii ugu dambeysay ee fatahaadda ku sheegtay, in 43,840 qof ay ka barakaceen dhulkoodii, iyadoo badi laga diiwaangeliyay dowlad goboleedka Hirshabeelle.
Si kastaba ha ahaatee, hay’adda ayaa sheegtay in dadkani weli ay u nugul yihiin daadadka dambe haddii roobabku sii socdaan sida la saadaaliyay maadaama inta badan goobaha loo barakacay ay ku yaallaan dhul joog hoose ah.
Sida ay sheegtay OCHA, ugu yaraan 3 qof ayaa wali lagu la’yahay Baydhabo iyo Galmudug, 150 kale ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhaawacmeen degmada Luuq ee dowlad goboleedka Jubaland intii lagu guda jiray roobabkii lixaadka lahaa ee da’ay 22-kii bishan.
Hay’adda ayaa intaasi ku dartay in la howlgalayaasha bini’aadantinimada, oo kaashanaya maamullada maxalliga ah ay billaabeen jawaab celin lagu beegsanayo dadka aadka u nugul, iyaga oo mudnaan siinaya kuwa barakiciyeen daadadku.