Golaha Midowga Murashaxiinta Soomaaliya ayaa sheegay inay si adag u diidan yihiin muddo kororsiga ay shalay hay’adaha dowladda u Sameeyeen Golaha Shacabka, ayagoo sheegeen inuu sharci darro yahay islamarkaana waxay ugu baaqeen beesha caalamka inay tillaab ka qaaddo shakhsiyaadka ay Tilmaameen inay halista ku yihiin deganaanshaha iyo xasilloonada Soomaaliya.
Qoraal kasoo baxay Midowga Musharixiinta ayaa lagu sheegay in dastuurkii Soomaaliya iyo go’aankii labada aqal ee Baarlamaanka ay jebiyeen koox yar oo uu hormuud u yihiin madaxweynaha iyo guddoonka Golaha Shacabka sida ay hadalkooda u dhigeen.
Warka ka soo baxay Midowga Musharaxiinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Goluhu ugu baaqayo shacabka Soomaaliyeed inay meel uga soo wada jeestaan difaaca dalka iyo ka hortagga waxa ay ugu yeereen kalitalisnimada dalka lagu burburinayo.
Sidoo kale waxay bogaadiyeen tallaabta uu qaaday Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Jeneraal Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) oo shalay sheegay inuu baajiyay kulanka Baarlamaanka kaddibna xilkiina laga qaaday sidoo kalena ay baarlamaanku kulankoodii qabsadeen oo ay Hay’adaha dowliga ah muddo labo sano ah ugu kordhiyeen muddo Xileedkoodii idlaaday.
Home Wararka Soomaaliya Midowga musharraxiinta Soomaaliya oo ku baaqay in madaxda dowladda la cunaqabateeyo