Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Arday 17 jir ah oo lagu qabtay isago fasalka dhexdiiisa ku haysto...

Arday 17 jir ah oo lagu qabtay isago fasalka dhexdiiisa ku haysto mindi

Waxaa xabsiga loo taxaabay arday da’adiisu tahay 17 sano jir kaddib markii la arkay isagoo mindi ku dhax haysto fasalka u dhigta.
Ardayga ayaa wax ka barta dugsi ku yaala ismaamulka Kwale.
Sida laga soo xigtay waaxda dambi ee DCI-da ,maamulaha iskuulkaasi Saalax Yare ayaa goor sii horeysay booliska u sheegay in ardayda qaar ay mindiyo ku dhax haystaan fasallada.
Waaxda dambi baarista ayaa intaa ku dartay in baaritaan ay sameysay lagu soo helay mindida islamarkaana ardaygi lagu soo qabtay uusan wax dhibtaato ah gaysan.
DCI-da ayaa sidoo kale sheegtay in la filayo in ardayga la horgeeyo maxkamadda si loogu qaado dacwad la xiriirta qorsheynta inuu galo dambi culus, taas oo ka soo horjeedda qodobka 308 farqadda koowaad ee xeerka ciqaabta .
Dhawaan ayey ahayd markii arday dhigta fasalka saddexaad ee dugsiga Sare ee Kisii u dhaawacay labo macallin oo ka mid ah barayaasha dugsigaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments