Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa ugu baaqay dhammaan Culimada Soomaaliyeed inay ka qayb qaataan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda inta badan gobollada wadankaasi.
Waxaa uu sidoo kale ugu baaqay culimada Masaajidda gacanta ku haysa inay Masaajidda ka sheegaan dhibaatooyinka ay gaysanayaan kooxda Shabaab ama ay fursad siiyaan kuwa ka hadli karo dhibaatada ay gaystaan Al-Shabaab.
“Culimo badan oo waxaa jirta Masaajidda Dadka uga maxaadareeya, Khudbadeeya oo imaam u ah laakiin aan hal kalimo ka sheegin Al-Shabaab, Tolow Sheekhaas waxa uu dadka u sheegayo waa maxay? Qaarkood meelaha kale waxyaabaha ka dhacay ayay aad u buun-buuniyaan, Culimada aan ka hadli karin dhibaatada Al-Shabaab waxa aan leeyahay u baneeya Masaajidda kuwa ka hadlaya dhibkooda” ayuu yiri Rw Xamse.
Waxaa uu sidoo kale tilmaamay inaan la xaqiri karin doorka qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed oo uu ku tilmaamay inay u istaageen ka hadalka dhibaatooyinka Shabaab gaystaan, islamarkaana si buuxda u taageeray howlgallada dowladda iyo dadka deegaanka kula jiraan kooxdaasi.
Hadalkan ayuu ka sheegay kulan loogu duceynayay dadkii ku dhintay Qaraxii Soobe 2 ee Muqdisho ka dhacay 29-kii bishii Tobnaad ee Oktoobar ee sanadkii 2022-kii.