DHAGEYSO:Dowladda Soomaaliya oo dhigtay baroordiiq lagu xasuusanayo dadkii ku geeriyooday qaraxyadii Soobe 2

0
265

Waxaa maanta magaalada Muqdiaho ee caasimadda dalka Soomaaliya ka dhacay banaanbax loogu baroordiiqayay dadkii ku nafwaayay qarixii Al-Shabaab ay 29-kii bishii Oktoobar ee sanadkii hore ay ku qaadeen xarunta wasaaradda waxbarashada.
Qaraxan ayaa lala beegsaday wasaaradda tacliinta Soomaaliya oo ku taalla agagaaarka isgoyska Zoobe waxaana qaraxaan loo yaqaanaa qarixii Zoobe 2.
Banaanbax oo ay soo abaabushay xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa awaxaa ka qayb galay wasiirro ka tirsan xukuumadda, maamulka gobolka banaadir iyo shacab tiro badan oo ka kala yimid degmooyinka Muqdisho.
Ku simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolkaasi Ciise Maxamuud Guure ayaa Qaraxa Zoobe 2 ku tilmaamay inuu ka duwanaa qaraxyadii kale ee dalka ka dhacay.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inay maalin murugo leh ahayd maalinkii uu qaraxaan dhacayay.

Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa tacsiyadeeyay dadkii waxyeelladu ku gaadhay weerarrada shabaabka.