DHAGEYSO:Cabdikariin Xuseen Guuleed: Waxba iskama beddelin wada hadalladii Soomaaliya iyo Somaliland

0
318

Ergayga dowladda Soomaaliya u qaabilsan wada hadallada Soomaaliya iyo Somaliland, Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in aynan wax iska beddelin mowqifka dowladda ee ku aadan wada hadallada Somaliland.
Waxaa uu sheegay in howsha wada hadalladu ay meel fiican marayaan, loona baahan yahay in lagu garab istaago sidii looga miro dhalin lahaa arrintaasi.

Dhawaan, dowladda Soomaaliya ayaa aqoonsatay maamulka SSC- Khaatumo oo horay deegaanadooda qayb uga ahaa Somaliland, ka hor inta aysan billaaban rabshadihii ka dhacay magaalada Laascaanood horraantii sanadkan.
Somaliland ayaa aad u cambaareysay in dowladda Soomaaliya ay aqoonsato SSC- Khaatumo, waxayna sheegeen in tallaabadaasi ay dhaawaceyso wada hadallada u dhexeya dowladda Soomaaliya iyo Somaliland.
Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa dhawaan sheegay in SSC- Khaatumo ay soo xirtay albaabkii gooni isutaagga Somaliland.