AKHRISO:Guddoonka baarlamaanka Soomaaliya oo soo saaray sharci jiheynaya doorasho qof iyo cod

0
594

Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee muddo xileedkoodu dhammaaday ayaa soo saaray sharci gaar ah oo jiheynta doorashooyinka heer Federaal oo ah doorasho qof iyo Cod ah.
Golaha Wasiirada Xukuumadda xil-gaarsiinta ayaa la faray in Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaran looga dambeeyo arrimaha la xiriira doorashooyinka heer Federaal.
Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka ayaa dalbaday in Xukuumadda gacan buuxda lagu siiyo meel marinta waajibaadkooda dastuuriga, sidaas darteed waxaa awood loo siiyay muddo labo sano gudahood inay doorasho qof iyo Cod ku qabtaan.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa haatan Xarunta Villa Hargeysa ee caasimadda Muqdisho uga socda kulan looga hadlayo ka doodista Mooshinka doorashooyinka Qaranka, waxaana Xildhibaano hadlay ay sheegeen in lagu heshiin waayay doorashada dalka Soomaaliya.
Hoos ka akhriso sharciga uu soo saaray Guddoonka Golaha Shacabka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here