Madaxweynaha Soomaaliya oo ciidanka xoogga dalkaasi hambalya u diray

0
486

Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed u diray dhanbaalka Hambalyada Sanad guurada 61-aad ee Ciidanka Xoogga dalk Soomaaliyeed.
Qoraalka ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu yiri Waxaa sharaf weyn ii ah maanta oo ay taariikhdu tahay 12-ka Abriil 2021 kuna beegaan maalintii la aasaasay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed in aan halkaan hambalyo iyo bogaadin uga soo jeediyo dhammaan Ciidanka xoogga dalka, oo ay ugu horreeyaan saraakiisha, saraakiil-xigeennada, alifleyda, dableyda, xaasaskooda, carruurtooda iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee ciidamada.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Ciidanka Xooggu ay yihiin astaan qarannimo iyo midnimo, una taagan yihiin difaaca dalkooda, ilaalinta wadajirka, sharafta iyo haybadda Shacabka Soomaaliyeed,ayna naftooda u hibeeyeen si ay dalkooda uga xoreeyaan argagixisada cadawga ah ee ka macaasha daadinta dhiigga Shacabka Somaaliyeed, Iyagoo si buuxda nabad-diidka ugala wareegay deegaanno badan oo ay horay ugu dhibaatayn jireen Shacabka.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Guulaha ay Ciidamadua kasoo hooyneyaan furimaha dagaalka iyo sida ay u wiiqeen argagixisada ay ku timid dadaal dheeri ah oo ay dowladdu ku bixisay dib-u-dhiska iyo tayeynta ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inaan weli la Gaarin halkii la hiigsanayay, Balse si xooggan loo sii amba qaadayo qorshehaha qaran ee ku aaddan dib-u-dhiska ciidan Soomaaliyeed oo si buuxda u hanan kara amniga, xoreynta iyo difaaca dalka.
Dowladdu waxay sii xoojisay kor u qaadidda tababarrada Ciidanka, joogteynta iyo kordhinta mushaharkooda, Waxaa maanta guul ah in Ciidankeenna aan u sameynay diiwaan ciidannimo oo ay ku jiraan gal anshaxeedka, dallacsiintooda iyo hannaan maaliyadeed oo hufan oo ilaalinaya xuquuqdooda ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka uu udub-dhexaad u yahay madax-bannaanida dalka, dib u dhiska iyo xaqiijinta Hiigsiga shacabka Soomaaliyeed ee ku saleysan dal horumarsan oo la Jaanqaada dalalka kale ee Caalamka, dadkiisuna ay ku nool yihiin Barwaaqo, nabad Iyo xasillooni.
Madaxweyne Farmaajo wuxuu sheegay Tan iyo markii la bilaabay dardar-gelinta Qorshaha Qaran ee dib u dhiska Ciidamada ay heegan u Galeen, kuna biireen Ciidamada Xoogga Dalka kumannaan dhallinyaro ah oo si wadaniyad leh ugu istaagay samatabixinta iyo difaaca dalka, taasoo muujinaysa sida shacabka Soomaaliyeed ay uga go’an tahay xaqiijinta Qarannimadooda iyo difaaca karaamadooda.
Madaxweynaha ayaa bogaadinayay dhammaan Saraakiisha, Saraakiil Xigeennada iyo khubarada Ciidan ee Soomaaliyeed una istaagay dib u dhiska iyo tayeynta Ciidamada Soomaaliyeed, sidoo kale wuxuu u mahadcelinayay madaxweynuhu dhammaan dalalka walaalaha iyo saaxiibbada ah ee Soomaaliya ku garab taagan qorshahaas qaran.
Madaxweynaaha ayaa sheegay in Dal aan lahayn ciidan Qaran oo awood leh, shacab iyo dowlad aan isku duubneyn aysan difaacan karin sharafkooda iyo masiirkooda, Sidaas awgeed, ay doonayan in fursaddan looga faa’iideysto in mar kale shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan – dalka iyo dibaddiisaba isku duubnaadaan wuxuuna Madaxweynuhu shacabka ka Codsday inay taageeraan geesiyaashooda u taagan difaaca dalka iyo cirib-tirka argagixisada.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dalka Soomaaliya uu marayo marxalad adag, lagana soo kabsanayo qaran-jabkii, dadka Soomaaliyeedna u socdaan inay gaaraan himilooyin waaweyn oo ay lagamamaarmaan tahay in dhammaan gacmaha la is qabsado.
Ugu danbeyntii,Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa Alle naxariistiisa Janno ugu baryay dhammaan halyeeyadii Ciidanka Xoogga Dalka ee u shahiiday difaaca dalka iyo inay nabad ku seexdaan shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna Xukuumadda Faray inay mudnaan buuxda siiso qoysaska iyo ubadka ay ka tageen Ciidamadii dhinta ayagoo Qaranka Difaacaya oo ah ammaano ay uga tageen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.
Sidoo kale, mudnaan gaar ah la siiyo halyeeyada u dhaawacmay ama u naafoobey difaaca dalka iyo halganka ay kula jiraan Kooxaha Argagagixisada ah.