Sheekh Shariif oo si kulul uga hadlay dilka macallin dugsi Qur’aan iyo ardaydiisa

0
306

Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya ahna Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Shariif Sheekh Axmad ayaa si xooggan uga hadlay colaad Beeleedyada ka jira deegaannada hoostaga degmada Cadalle, sigaar ah dilka loo gaystay Macallin Dugsi Qur’aan iyo Ardaydiisa.
Qoraal uu Sheekh Shariif soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku cambaareeyay dilkaasi, isaga oo sheegay in tallaabo laga qaado maleeshiyaadka dilalka ka gaysta deegaannada Gobolka Shabeellaha dhexe.