Taliyaha qaybta guud ee booliska gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) ayaa waxaa uu shaaciyay inay joojiyeen kulankii Maanta ee Xildhibaanada Golaha Shacabka ku yeelan lahaayeen Xarunta Villa Hargeysa.
Taliye Saadaq Joon oo goordhow la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in Maanta ay joojiyeen kulankii Xildhibaanada oo ajendihiisu ahaaa ka doodista Mooshinka Doorashooyinka Qaranka.
Waxaa uu sheegay in marnaba aan la aqbali karin muddo kororsi loo sameeyo Hay’addaha dowladda Federaalka iyo Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday, isla markaana caddeeyay in Caasimadda dalka aan laga abuuri karin amni darro.
Mar uu arrimahan ka hadlayay ayuu yiri
Sidoo kale Taliyaha guud ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa waxaa uu Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ugu baaqay inuu qaato doorkiisa siyaasadeed ee ku aadan doorashooyinka dhacaya, uuna ka qeyb galo shirarka looga hadlayo doorashooyinka.
Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir uu Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Cismaan Abuukar Dubbe uga digay inuu joojiyo hadallada uu jeedinayo, islamarkaana uusan sheegin wax loo soo dhiibay, waa sida uu hadalka u dhigay.