Dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay duqeyntii xalay lala beegsaday isbitaalka Al-Ahli ee magaalada Qaza ee dalka Falastiin, halkaa oo la sheegay in dad ka badan 500 oo qof ay ku dhinteen.
Dadka dhintay waxaa ku jira carruur iyo haween, iyadoo dowladda Soomaaliya ay ku sheegtay qoraalka ay soo saartay in mas’uuliyadda dhibaatada halkaa ka dhacday ay Israa’il qaadayso.
Warka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Soomaaliya oo ku qornaa Af-Carabi ayaa lagu yiri:, “Waxa ay Israa’iil ka samaynayso Qaza waxa loo arkaa xadgudub bareer ah oo aan sabab lahayn iyo fal ka hor imanaya xeerarka caalamiga ah iyo xeerarka iyo qiyamka bini’aadantinimo oo uu jiro sharciga bini’aadanimo,”.
Soomaaliya ayaa Israa’iil ugu baaqday in inay ixtiraamto sharciga caalamiga ah isl markaana si shuruud la’aan ah oo degdeg ah loo joojiyo dagaalka.
Sidoo kale Soomaaliya ayaa ku baaqday in la furo waddooyinka gargaarka si mucaawino loo gaarsiiyo dadka reer Falastiin ee u baahan gargaarka degdeg ah.