Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ee Soomaaliya Maxamad Xuseen Rooble ayaa kulan looga hadlayay adkeynta amniga inta lagu jiro bisha Ramadaan la qaatay Taliyeyaasha ciidamada kala duwan ee dowladda Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa Warbixin la xiriirta dhanka amniga ka dhageystay taliyeyaasha Ciidamada, iyaga oo kaga hadlay howlgallada socda iyo xaalada bisha barakeysan ee Ramadaan.
Rooble ayaa ku amray taliyeyaasha inay dardar geliyan howlaha amniga dalka gaar ahaan Magaalada Muqdisho, islamarkaana ay wadashqeyn la yeeshaan Shacbaka si ay ugala Shaqeeyaan sugidda Amniga.
Kulanka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta iyo Taliyeyaasha Ciidamada ayaa ujeedkiisu ahaa sidii Ciidamada dowladda ay u muujin lahaayeen feejignaan dhanka Amniga ah maadaama Al-Shabaab ay weerarrada kordhiyaan Bisha Ramadaan
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Ra’iisul wasaare Rooble oo laamaha amniga kala shiray sugidda amaanka Ramadaanka