Maxkamadda darajada koowaad ee magaalada Kismaayo ee xarunta maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa soo gabagabeysay kiis la xiriira dil uu hooyadiis magaaladaasi ugu gaystay Xasan Cabdullaahi Cabdi oo ka mid ah dadweynaha Kismaayo, balse horraan ka yimid waddamada qurbaha.
Falkan dilka ayaa ka dhacay Magaalada Kismaayo 11-kii bishii Lixaad ee sanadkan, iyadoo Xasan Cabdullaahi uu maxkamadda ka hor qirtay dilka hooyadiis oo lagu magacaabi jiray Xaliimo Maxamad Cumar.
Maxkamadda darajada 1-aad ee magaalada Kismaayo oo fadhiyo kala duwan soo marsiisay kiiskan ayaa ugu dambeyn Xasan Cabdullaahi Cabdi oo 37 sano jir ah waxay ku xukuntay dil toogasho ah oo ah qisaasta hooyadiis, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay maxkamadda.




